936 Views

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin Jaziiradda Kudhaa

Al-Shabaab oo  weerar ku qaaday Saldhig Ciidanka Daraawiishta  Jubbaland ku leeyihiin Jaziiradda Kudhaa
____________________________________________________________________________

Jimco: September 3, 2021

Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidanka Daraawiishta DG Jubbaland ku leeyihiin Jaziiradda Kudhaa ee hoostagta Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa daabacday in dagaalkaas ay ugu suuragashay in dagaalyahannadii duullaanka ku qaaday ay gacanta ku dhigeen saldhigyada Cidamada Daraawiishta Jubbaland ee Jaziiraddaas.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay in markii Xerada ay qabsadeen ay qaadatay Hub & agab ciidan oo ay lahaayeen ciidamada Daraawiishta ee saldhigga joogay, halka ay gubeen Gaadiidkii yaallay sida ay hadalka loo dhigay.

Dhanka DG Jubbaland illaa haatan kama aanay hadlin sheegashada Al-Shabaab ee la xiriirta in ay gacanta ku dhigeen Saldhiggoodii Jaziirada Kudhaa Degmada Badhaadhe ee Gobolka Gobolka Jubada Hoose.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post