3510 Views

Wasaaradda amniga gudaha oo diyaarisay qorshayaal lagu adkeynayo amniga

____________________________________________________________________________

wasiirka_aminga

Muqdisho, 29 September 2015: Wasaaradda amniga gudaha ayaa sheegtay iney dar dar gelineyso howlgallada lagu adkeynayo amniga, looga hortagayo falalka argagixisada.

Afhayeenka wasaaraddaasi Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in ammaanka guud ee dalka gaar ahaan kan caasimadda uu soo hagaagayo marba marka ka dambeysa,  isagoo arrintaasi ku sababeeyay wadashaqeyn dhex martay laamaha ammaanka iyo shacabka ku dhaqan Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Wuxuu tilmaamay in wasaaraddu u diyaarisay qorshe cusub oo lagu xaqiijinayo ammaanka kaasoo uu sheegay in uu ku saleysanyahay waqtiga casriga ah, isagoo intaa ku daray iney jiraan qaabab cusub oo looga hortagi doono falalka argagixisada ee lagu dhibaateeynayo ummadda Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa ciidamada booliiska iyo kuwa nabadsugidda ku ammaanay sida ay ugu guuleeysteen adkeynta amniga caasimadda, intii lagu guda jiray maalmihii ciidda oo aysan caasimadda ka dhicin wax amnidarro ah.

————————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment