1491 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray Magaalada Mombasa

Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray Magaalada Mombasa
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 10, 2021 —Ra’iisul Wasaaraha Xuluumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya, waxaana ujeedka safarkiisa uu yahay casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la filayaa in uu galabta kulan la qaato Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata iyo madax kale oo waddankaas Ka tirsan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa safar ku tagi doona magaalada Nairobi, halkaas oo uu kula kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi, diblomaasiyiinta dalalka daneeyaa arrimaha Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta saxafaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post