426 Views

Dalalka ku buhoobay Ururka EAC oo shegay in ay tixgelinayaan Codsiga Soomaaliya ee ku biirista ururkaas.

Dalalka ku buhoobay Ururka EAC oo shegay in ay tixgelinayaan Codsiga Soomaaliya ee ku biirista ururkaas.
____________________________________________________________________________

Sabti: July 23, 2022

Madaxweynaha Somalia xassan sheikh maxamuud ayaa kaqeybgalay gunaanadka shir madaxeedka ururka EAC meertada 22 aad kaasi oo lagu caruusha oo kutaalla dalka Tanzania.

Madaxweynaha Somalia ayaa si rasmi ah u hordhigay madaxda urur gobaleedka bariga Africa codsiga Somalia ay kudooneyso iney kaga mid noqoto ururka EAC isagoo hoosta kaxariiqay in Somalia ay udiyaarsantahay kamid noqoshada ururka islamarkaana ay buuxin karto shuruudaha laga rabo dalalka doonaya iney xubin kanoqdaan ururka horumarinta bulshada Africa.

War murtiyeed laga soo saaray shir madaxeedka EAC ayaa lagu faray xubnaha golaha fulinta ee ururka iney dadejiyaan hanaanka iyo shuruucda kubiriista ururka ee Somalia iyadoo lafaray xubnaha golaha fulinta iney warbixin dhameystiran soo diyaariyaan meertada 23 aad ee shir madaxeedka EAC.

Ururkan ay magaciisa loo soo gaabiyo EAC waxaa dib loo aasaasay sanaddii 2000 waxaana xubno ka ah waddamada Tanzania,Uganda,Burundi,Kenya,Rwanda,suudaanta koonfureed iyo Koongo,ururkan waxa ay kubahoobeen iskaashiga dhaqaalaha siyaasadda iyo harumarinta bulshada kudhaqan bariga Africa.

Somalia ayaa dooneysa in markii ugu horreysay ay xubin kanoqoto ururkan hadii ay kuguuleysatana waxey wax katari doontaa kororka dhaqaalaha Somalia iyadoo ganacsata somaliyeed ay fursad uheli doonaan suuq ganacsi oo xor ah iyo sidoo kale iney ufududaato isusocodka badeecadaha iskagala goosha waddamada kuyaalla bariga Qaaradda Africa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post