3249 Views

Dowlada Jarmalka oo lacag badan u balan qaaday Soomaaliya

Dowlada Jarmalka oo lacag badan u balan qaaday Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  01, 2017—Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibada Dowladda Jarmalka ahna Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Dalkaasi sigmar gabriel  ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Soo dhaweyn ka dib Wasiirka Arrimaha dibada Dowladda Jarmalka ahna Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Dalkaasi sigmar gabriel ayaa kulan gaar ah Garoonka diyaaradaha Muqdisho kula qaatay Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya.

Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen Xiriirka labada Dowladooda iyo sida loo sii xoojin lahaa.

Sidoo kale Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa Wasiirka Arrimaha dibada Dowladda Jarmalka ahna Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Dalkaasi sigmar gabriel kala hadlay sidii ay soomaaliya u taageeri lahaayeen, isla markaana barnaamijyo hormarin dhismeed ah ay ugu fulin lahayeen Soomaaliya.

Kulanka ka dib ayaa Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre warbaahinta u sharaxay kulanka uu la qaatay Wasiirka Arrimaha dibada Dowladda Jarmalka, waxa uuna sheegay in kulankooda uu guul ku soo dhamaaday wax badana ay dowladda Jarmalka ka taageereyso Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha dibada Dowladda Jarmalka ahna Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Dalkaasi sigmar gabriel ayaa sheegay in Soomaaliya ay ugu deeqeen lacag gaareyso 70 milyan.

Wasiirka ayaa sheegay in lacagtaasi ay ugu tala galeen in loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment