1206 Views

Sawiro:-Madaxweyne Waare Oo Shir Gudoomiyey Kulanka Golaha Wasiirada Ee Maamulkaasi

Sawiro:-Madaxweyne Waare Oo Shir Gudoomiyey Kulanka Golaha Wasiirada Ee  Maamulkaasi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Feberaayo 6,  2019 –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shir Gudoomiyay kulanka Golaha Wasiiradda maamulkaasi,waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo dhammaan Golaha Wasiirada.

Intii uu kulankaan socday waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen Xaaladaha Amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo arrio kale.

Sidoo kale diyaarinta Dufcadii 2aad ee gali lahayd Tababarka Ciidanka Booliiska iyo in ay door muuqdo ku yeeshaan Haweenka Ciidamada Cusub ee Booliiska ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirada waxay beeniyeeen Wararka been abuurka ah ee baraha bushada laga baahiyay ee ah in Ciidan ka socda Madaxtooyada Hirshabeelle ay la Wareegeen Xaruntii uu ku shaqeeyaynayay Golaha Wakiilada ee Dowad Goboleedka  Hirshabeelle.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment