285 Views

Gobolka Tigray oo uu saameeyay dagaalkii labadii sano ee la soo dhaafay, oo dad badan oo ku noolaa waxay u dhimanayaan daryeel la’aan.

Gobolka Tigray oo uu saameeyay dagaalkii labadii sano ee la soo dhaafay, oo  dad badan oo ku noolaa waxay u dhimanayaan daryeel la’aan.
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 20, 2022

Gobolka Tigray oo uu saameeyay dagaalkii labadii sano ee la soo dhaafay, ayaa dad badan oo ku noolaa waxay u dhimanayaan daryeel la’aan.

Dr. Kibrom Gebreslase, oo ah madaxa caafimaadka isbitaalka Ayder, ayaa sheegay iney jirto gabar dhalinyaro ah oo dhawaan u geeriyootay insulin la’aan.

Dhowaan, gabadh yar ayaa isbitaalka Ayder timid, iyada iyo hooyadeed oo xanuunsan.

Gabadhan ayaa waxay xanaaneyneysay hooyadeed oo sariirta jiifta, oo maalmo isbitaalka u jiiftay xanuun kale.

Si kastaba ha ahaatee, gabadhan yar oo u soo degdegtay badbaadinta nafta hooyadeed ayaa suuxday.

Dhakhaatiirta ayaa ku yaacay si ay u caawiyaan intii karaankooda ah, si ay nolosheeda u badbaadiyaan.

Sababta ay u miyir doorsoontay, ayaa aheyd inay ka dhammaatay insulintii ama sonkorta ku jirta, taasoo lagu daweeyo lagagana hortago cudurka macaanka.

“Waxay ku dhacday annaga oo daawanayna hortayada.” Kadib waanu ku yaacnay haddaan nahay shaqaalaha qeybta daryeelka degdega ah (ICU). Laakiin waanu badbaadin kari waynay. Si lama filaan ah ayay u dhacday, maalintii xigtayna way dhimatay,” ayuu yidhi Dr. Kibrom Gebreslase.

Dhowaan ayaa wiil kale oo buka qoyskeeda soo kaxeeyeen, iyagoo keenay keenay isbitaalka Ayder.

Khubarada caafimaadku ayaa waxay sheegeen in aanay xitaa ogayn inay qabto xanuunka macaanka, oo laga helay xanuunka Macaanka, markii danbe ee la baaray.

Inkasta oo ay garanayeen waxa uu yahay xanuunkeeda, haddana dhakhaatiirtu ma anay u helin dawo ama xal, sidaas darteed maalin wax ka badan kuma sii noolaan karin isbitaalka.

Xaaladda bukaannada u dhimanaya dawo la’aanta, ayaa weli ah mid murugo leh oo soo food saartay xirfadlayaasha caafimaadka ee Isbitaalka Ayder.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post