3879 Views

Daawo Sawirada:- Madaxweyne Faramaajo oo amar xoogan bixiyeyey

Daawo Sawirada:- Madaxweyne Faramaajo oo amar xoogan bixiyeyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 05, 2018  – Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay wehliyaan qaar kamid ah  saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay qaar kamid ah xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka ee kuyaalla Duleedyada magaalada Muqdisho.

Meelaha uu tagay madaxweynaha Soomaaliya waxaa kamid ah Xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka,sida Bangala,Janaraal Dhagabadan iyo meelo kale,isagoo ku dhiirogeliyay Ciidanka Xoogga Dalka in ay shacabku ka difaacaan Alshabaab.

“Waxaa ay sugayaan dadkan shacabka ah difaaca ay ka sugayaan waa dhalinyaradiina,waa anagoo idil,sidaasi daraadeed waa in aan u istaagnaa sidii diinteena iyo shacabkeena aan uga difaaci lahayn cadowga, qolooyinkan hororka ah oo ku xadgudbay diinta islamarkaana banaystay dhiiga shacabka,waa in aan ka hortagno,waxaa ay xaalufinayaan Diinteenna,Jinsiyadeenna,waxaysan raali ka hayan in umadda Soomaaliyeed ay la sinaato shucuuta Caalamka,mana doonayno arrintaasi,waa in aan muujinaa wadaniyada”.Ayuu yiri Madaxweyen Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaad ka hor waxaa uu booqday xarumaha talisyada Ciidamada Nabadsugidda,Militariga iyo Dugsiga Tababarka Booliska ee Janaraal kaahiya,taasi oo qeyb ka ah dadaal ku aadan dedejinta dhismaha Ciidanka Qaranka qeybihiisa kaladuwan,si uu ammaanka uga lawareego AMISOM.

000  00 01 03 07

.ciidamada-3 ciidamada-1 ciidamada-2

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment