1128 Views

Ciidamada oo Xalay degmada Yaaqshiid ku qab qabtay rag dhacayay taleefanada gacanta

Ciidamada  oo Xalay degmada Yaaqshiid ku qab qabtay rag dhacayay taleefanada gacanta
____________________________________________________________________________

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Dowlada ay howl-gal ay xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobolka Bnaaadir.

Howlgalkaan ayaa lagu baadi-goobayey rag burcad ah oo dhac geysanayey Degmadaas, kuwaas oo ku Hubeysnaa Hubka Fudud.

Ciidamada ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah, kadib markii lagu soo war-geliyey inay jiraan rab burcad ah oo dhac ka geystay xaafadda Horseed ee degmadaasi.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka daba-tageen raggaasi oo afar gaarayey, islamarkaana ku hubeysnaa Bistoolado, waxaana kaddib dhex-martay is-rasaasey khasaare geysatay, iyada oo la dhawaacay labo ka mid ah burcadda, kadibna la qabtay.

waxaa goobta ka baxsaday labadii kale ee la socotay ragga la qabtay, xilli taleefanada gacanta iyo agabyo kale ay ka qaadanayeen dadka deegaanka.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html .

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post