1182 Views

SAWIRO:-Guddoomiyaha G/Shabeellaha Hoose oo gaarey Marka

SAWIRO:-Guddoomiyaha G/Shabeellaha Hoose oo gaarey Marka
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa Maanta gaarey wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Guddoomiye Najax ayaa waxaa qeyb ka ah gudoomiye ku xigeenada siyaasada iyo Amniga gobolka,waxaana Magaalada Marka kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada iyo Bulshada Magaaladaas.

Safar shaqo oo ay igu wehelinayaan gudoomiye ku xigeenada siyaasada iyo Amniga gobolka ayaan ku gaarnay caasimada gobolka shabeelaha hoose,waxaan u mahadcelinayaa maamulka odayaasha dhaqanka iyo ciidamada Amniga oo si diiran noo soo dhoweeyay ayuu yiri” Guddoomiye Najax.

Sidoo kale isaga oo hadal kooban Saxaafadda kusiiyey Magaalada Marka ayuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose in u jeedka ay halkaasi u tageen ay tahay inay dib udhis ku sameynaynayaan xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ee Magaalada Marka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment