306 Views

Ciidamada TPLF oo bilaabay in ay hubka ku wareejiyaan ciidamada Itobiya taasoo qayb ka ah geeddi-socod nabadeed oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika..

Ciidamada TPLF  oo  bilaabay in ay hubka ku wareejiyaan ciidamada Itobiya  taasoo qayb ka ah geeddi-socod nabadeed oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika..
____________________________________________________________________________

Arbaco: January  11 2023

Ciidamada Tigreega oo dagaal socday muddo labo sano ah kula jiray dowladda federaalka Itoobiya, ayaa Talaadadii bilaabay in ay hubka culus ku wareejiyaan ciidamada qaranka, taasoo qayb ka ah geeddi-socod nabadeed oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika.

Burburinta ciidamada Tigrayga ayaa loo arkaa inay udub dhexaad u tahay heshiiskii xabbad-joojinta ee November 2-deedi, oo ay barbar socdeen soo celinta adeegyadii dowliga ahaa iyo kuwa gaar ahaaba, dib u soo celinta gargaarka bini’aadantinimo iyo ka bixitaanka ciidamada Eritrea, kuwaas oo ka barbar dagaallamay ciidamada Ethiopia, balse aan qayb ka ahayn xabbad joojinta.

Colaadda ayaa boqollaal kun oo dadwaynaha Tigrayga ah ku abuurtay xaalad macaluul oo kale ah, waxaana ku dhintay kumannaan waqooyiga Itoobiya.

Xil-wareejinta hubka oo ka dhacday magaalada Agulae oo qiyaastii 30 km (18 miles) waqooyi bari kaga beegan magaalada Mekelle ee xarunta gobolkaasi, ayaa waxaa kormeeray koox kormeereyaal ahka kooban xubnaha labada dhinac iyo urur goboleedka IGAD.

Xafladda wareejinta hubka ayaa waxaa ka hadlay wakiilka ciidamada difaaca Tigrayga (TDF) Mulugeta Gebrechristos waxaana uu sheegay in bilowga hub ka dhigista ay kaalin weyn ka qaadan doonto soo celinta nabadda.

Askarta Eritrea ayaa dabayaaqadii bishii hore isaga baxay dhowr magaalo oo waaweyn oo Tigray ah, balse kama aysan bixin dhulka Tigrayga, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Eritrea ayaa diidday inay ka hadasho in ciidamadeeda ay baxayaan iyo in kale.

Reuters.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post