1074 Views

Soomaliland oo war ka soo saartay Askari dil geystay

Soomaliland oo war ka soo saartay Askari dil geystay
____________________________________________________________________________

ogadisho  –December 24 2019 | QOL |   Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliland ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen fal dambiyeedyo ay Ciidamadooda todobaadkii la soo dhaafay ka geysteen deegaannada Soomaaliland.

 

Taliska dambiyada uu faah faahiyey ayaa waxaa kamid ah,Dil ka dhacay Magaalada Wajaale,Baabuur xilli habeen ah lagala baxsaday Magaalada Hargeysa iyo Haweeney Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliland ay dhibaato u geysteen laguna faafiyey Baraha Bulshada.

 

 

 

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliland Gaashaanle Sare Feysal Xiis Cilmi ayaa sheegay in askari Boolis ah uu si ula kac ah Magaalada Wajaale ugu diley Qof Shacab ah,hayeeshee askarigii dilkaasi geystay gacanta lagu dhigey.

 

Waxaa uu sheegay in Askariga dilka geystay ay horgeyn doonaan Maxkamadda sidoo kalena Cadaaladda marsiin doono,waxaana uu sheegay in dilka qofka Shacabka ah banaanbax ka dhashay ay Ciidamada si qaldan u fara saareen Haweeney kamid aheyd banaanbaxayaasha.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment