429 Views

Al-shabaab oo dib ula wareegtay gacan ku haynta deegaanada Moqokori & Yasooman

Al-shabaab oo dib ula wareegtay gacan ku haynta deegaanada Moqokori & Yasooman
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 1, 2022

Ururka Al-shabaab ayaa dib ula wareegtay gacan ku haynta deegaanada Moqokori iyo Yasooman oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kaddib markii ay halkaas iskaga baxeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macwiisleyda loo yaqaan.

Maalma kahor ayey ahayd markii deegaanada ay hadda dib ula wareegeen Al-shabaab uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada fadhiisimahaan soo baneeyay ayaa saldhigtay Maxaas iyo Buulo Burte, lamana oga sababta rasmiga ah ee halkaas ay uga soo baxeen.

Ciidmada Dowladda Soomaaliya ayaa Ururka Al-shabaab kala wareegay Deegaano badan oo katirsan gobolada Hiiraan, Galgaduud, iyo Shabeellooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post