777 Views

Israa’iil oo duqeeymo ka geeysatay Suuriya

Israa’iil oo duqeeymo ka geeysatay Suuriya
____________________________________________________________________________

Sabti Julay  2, 2022

Suuriya ayaa Israa’iil ku eedeeysay in saakay ay ku soo qaaday weerar gardarra ah oo dhanka cirka ah, kaasi oo dhaliyay waxyeello kala duwan.

Sida ay sheegayaan wararka, dhowr Gantaal oo soo dulmaray Badda Mediterranean-ka, ayaa ku dhacay galbeedka Tripoli, gaar ahaan koonfurta Tartus.

Wasaaradda difaaca Suuriya, ayaa sheegtay in weerarkan uu sababay dhaawaca laba qof oo rayid ah oo mid kamid ah ay aheed dumar ah iyo burbur Hantiyadeed.

Israa’iil ayaa boqolaal weerar ku qaadday Suuriya sannadihii u dambeeyay, iyadoo si gaar ah u bartilmaameedsaneysay goobaha ciidamadu ay ku sugan yihiin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post