3012 Views

Sawiro:- Taliyaha Ciidamada Xooga oo xilkii maanta lawareegay

Sawiro:- Taliyaha Ciidamada Xooga oo xilkii maanta lawareegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 16 October 2017 – Taliyaha Cusub ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta xilka la wareegay ka dib markii Munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda Difaaca ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay inta badan Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo Wasiir dowlaha Wasaaradda Gaanshaandhiga.

Taliyaha hore ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Jimcaale Geeddi (Cirfiid) ayaa xilka ku wareejiyay taliyaha cusub, waxaana uu sheegay in laga doonaayo in uu wax ka qabto baahiyha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Cabdiwali Xuseen Jaamac(Gorod) taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga ayaa dhankiisa sheegay in kasii wadi doono Shaqadda halkii uu kaga tagay taliye Cirfiid, waxaana uu tilmaamay in ciidamada xoogga aysan shaqeyn karin hadii aan la helin Siyaasad wanaagsan.

Khamiistii lasoo dhaafay ayay aheyd Markii uu taliyaha Ciidamada xoogga dalka uu xilkaasi iska casilay.

01 02 03 04 05 06 07

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment