666 Views

Cali Guudlaawe oo hay’addaha amniga Beledweyne dhul dhigay amar

Cali Guudlaawe oo hay’addaha amniga Beledweyne dhul dhigay amar
____________________________________________________________________________


Khamiis:March 24, 2022

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa cambaareeyay weerarkii xalay lagu dilay masuuliyiin ay ka mid ahayd xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi kaas oo ka dhacay afaafka hore Madaxtooyada Magaaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

“Madaxweynaha Dowladdda Hir-shabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa aad u cambaareeyay falkii argagixiso ee xalay  ka dhacay afaafka hore Madaxtooyada Magaaalada Beledweyne oo ay ku geeriyoodeen Allaha u naxariistee Xilibaan Aamino Maxamed Cabdi, Xilibaan hore Cali Cabdi Dhuxul Masuuliyiin iyo dad shacab ah.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cadowga argagixisada (Al-shabaab) ay marwalba qorsheeyaan xasuuqa dadka waxgalka u ah bulshada lagama maarmaana ay tahay in meel looga soo wada jeesto.

Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay ehellada iyo qaraabada dadkii ku nafwaayay weerarkii bahalnimo ee caawa waxa uuna alle uga baryay in naxariistii janno uu ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxa uu alle u waydiiyay caafimaad deg deg ah.

ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray hay’addaha amniga in baaris deg deg ku sameeyaan falkii caawa dhacay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post