831 Views

Abiy Axmed oo shaaciyay in wax gor gortan ah laga geli doonin Arrinta Gobolka Tigrey

Abiy Axmed oo shaaciyay in wax gor gortan ah laga geli doonin Arrinta Gobolka Tigrey
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November18, 2020 –
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaciyay in uusan wax wada-hadal ah la galeyn maleeshiyaadka Ururka TPLF, xilli uu xoogeystay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya & Ciidamada TPLF.

War Murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Dr Abiye Axmed ayaa lagu sheegay inaan wax gor gortan ah laga geli doonin Arrinta Gobolka Tigreega oo ku yaalla Waqooyiga dalka Itoobiya.

“Mar kasta sharciga ayaa sareen doona Sharcigana waa lagu soo dhaweynayaa Midnimada,Hormarka iyo Wadajirka Itoobiya cida kala qeybineysa talaabo ayaan ka  qaadeynaaaAyaa lagu yiri” War-Saxaafadeedka.

Hadalkan kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli dagaalo xoogan ay ka socdaan Gobolka Tigreega, isla markaana Ciidamada TPLF ay jareen Afar  Buundo muhiim u ahaa gelitaanka Caasimadda Gobolka Tigreega ee Magaalada Maqale.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post