1125 Views

Maxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo ka hor yimid sharciyada Batroolka iyo Doorashooyinka

Maxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo ka hor yimid sharciyada Batroolka iyo Doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug oo kulan maanta ku qaatay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa isla gaaray heshiis, iyagoo sidoo kale ka hor yimid sharciyo ay Baarlamaanka meel mariyeen iyo kuwa hada horyaala.

Kulanka ay yeesheen Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, waxaa ku wehlinayay Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan labada maamul.

Qodobada diirada lagu saaray waxaa qeyb ka aheyd Adkeynta amniga, dib u heshiisiinta Shacabka labada maamul iyo Iskaashiga labada maamul ee ka dhanka ah mowqifyada Siyaasadeed.

Sida ku cad war saxaafadeed ka kooban 8 qodob oo ay soo saareen labada madaxweyne, waxa ay uga soo horjeesteen sharciyada Batroolka, Doorashooyinka iyo Canshuuraha ee ay gacanta ku hayaan dowladda Soomaaliya, iyagoo sheegay ineysan aqbali doonin inta wada tashiyo guud laga sameynayo.

Waxa ay sidoo kale isla soo qaadeen shaqaqadii u danbeysay ee ka dhacday meel duleedka ka ah magaalada Gaalkacyo oo ay ku dagaalameen laba Maleeshiyo beeleed, halkaas oo ay ku dhinteen Saddex qof, halka shan kale ay ku dhawacantay, waxeyna amaaneen dadaalada Nabadda ee ay Odayaasha dhaqanka wadaan.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment