1110 Views

Lionel Messi: Ma si dhab ah ayuu u dhammaaday waayihii weeraryahanka reer Argentine ee Barcelona?

Lionel Messi: Ma si dhab ah ayuu u dhammaaday waayihii weeraryahanka reer Argentine ee Barcelona?
____________________________________________________________________________

Jimco: August 6, 2021

 Messi ma sii joogi doono”.

Bayaan ay maamulka kooxda Barcelona shaaciyeen wax yar ka hor 8pm ee waqtiga Spain, fiidnimadii Khamiista, wuxuu lama filaan ku noqday taageerayaasha kubadda cagta ee adduunka.

Ciyaartoyga u dhashay Argentine ee 34 jirka ah, oo xor ahaa tan iyo 1-dii bishii July, ayaa lagu waday inuu heshiis cusub u saxiixo Barca, si uu u sii kordhiyo waqtigii 21-ka sano ahaa ee uu ku sugnaa garoonka Nou Camp.

Barca ayaa sheegtay in saxiixa heshiiska la filayay Khamiistii, laakiin “xaaladda dhaqaale ee kooxda ka tirsan horyaalka Spain iyo caqabadaha heysta” ayaa hor istaagay tallaabadaas.

Hadda muxuu sameyn doonaa ciyaartoyga lixda jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or? Arrintani ma waxay dhab ahaantii ka dhigan tahay gabogabada waayaha Messi ee Barca, mise waxaa jira xal kama dambeys ah?

Muxuu heshiiska cusub u burburay?

Horaantii bishan, qoraaga wax ka qora kubadda cagta ee dalka Spain, Guillem Balague, ayaa shaaca ka qaaday in Messi uu oggolaaday heshiis soconaya ilaa sanadka 2026-ka, kaasoo ay qayb ka ahayd in kalabar laga dhimo mushaarkii uu horay u qaadan jiray.

Balse Barca ayaa u baahneyd inay iibiso ciyaartoy si ay dhaqaalahaas u hesho – iyo in ay yareyso mushaarka ay bixiso oo hoos loo dhigo ilaa 200m euros (£172m). Tallaabadaas waxaa loo qaadayay si ay u waafaqaan sharciga dhaqaalaha lagu bixiyo ciyaaraha ee Spain – walina lama hirgelinin.

Antoine Griezmann, Ousmane Dembele iyo Philippe Coutinho – iyo ciyaartoy kale – ayaa wali howshan sugaya.

Mar uu la hadlayay barnaamijka ciyaaraha ee BBC Radio 5 ayuu Balague yidhi: “Barca waxay ku khasbaneyd inay hesho fikrad ay ku bixiso mushaarka Messi iyo gunnooyinkiisa, mar walba oo aan weydiiyo ‘sidee ayaad taas u sameyn kartaan idinkoo awoodin inaad diiwaan gelisaan ciyaartoy cusub oo aad bilaash kusoo qaadateen?’ jawaabtoodu waxay ahayd ‘na aamin kaliya’.

2Farriinta dhinaca Messi waxay ahayd ‘wax yar sug’. Laporta [madaxweynaha Barca] wuxuu qabay rajo, dhanka Messi rajadu way yareyd. Laakiin hal mar xitaa lama dhihin suurtagal ma aha.

“Hadda waxaa la xaqiijiyay in aysan macquul ahayn in la helo hab ay arrintaas ku dhacdo. Balse uma maleynayo inay halkaas ku dhammaatay.”

Xaaladda dhaqaale ee kooxda “si daran ayay u xun tahay”, sida uu sheegay Ernest Macia oo ka tirsan Idaacadda Radio Catalunya.

Wuxuu BBC-da u sheegay in qof walba uu wali isku dayayo inuu ka fikiro sida ay xaaladda noqon karto Messi la’aantiis.

Xagee ayuu aadi karaa Messi?

Hal sano ka hor ayay ahayd markii uu Messi sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii uu u noqon lahaa ciyaartoy si xor ah ugu wareegi kara kooxda uu doono, laakiin Barca ayaa sheegtay in ciddii iibsaneysa ay bixin doonto lacag dhan 700m euros (£624m),

Hadda ma jiraan xujooyin noocaas ah.

Muddo dheer ayaa la hadal hayay inuu dib ula midoobi doono tababarihii hore ee Barca Pep Guardiola, oo hadda ku sugan Manchester City.

Laakiin hadda oo City ay Jack Grealish ku iibsatay lacagtii ugu badneyd ee abid ciyaartoy looga iibsado Britain, oo ah £100m, walina lala xiriirinayo inay lacag badan ku raadinayso weeraryahanka Tottenham ee lagu magacaabo Harry Kane, Balague uma maleynayo in kooxda heysata horyaalka Premier League “ay kharash u heli doonto Messi”.

“Uma maleynayo in City ay hadda heli karto dhaqaalahaas, dhammaanteenna waxaan ka shakisan nahay in kooxda sidaas sameyn karta ay tahay Paris St-Germain.”

Horay waxay PSG u sheegtay in haddii uu Messi diyaar noqdo ay bangigooda ku jirto lacag ku filan inay ku bixiyaan mushaarkiisa.

“Natiijada waxay wali noqon kartaa inuu Barca sii joogo, balse Messi ayay ku celin doonaan in ay ugu yaraan wax helaan haddii uu u wareegayo PSG.”

Haddii aad boggan ka arkeyso app-ka BBC News fadlan guji halkan si aad u codeyso. click here to vote.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post