93 Views

Deegaanno Ka Tirsan Jalalaqsi oo u Go’doosan Fatahaado Horleh ee Webi Shabelle

Deegaanno Ka Tirsan Jalalaqsi oo u Go’doosan Fatahaado Horleh ee Webi Shabelle
____________________________________________________________________________

Fatahaadda Wabiga Shabeelle ayaa siweyn markaan looga dareemayaa magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kadib magaalooyinka Baladweyne iyo Buulo Burde uu hore fatahaad uga sameeyay Wabiga, magaalada ayaa laga soo warinayaa xaalad adag oo ay gashay.

Dhulka ugu badan ee biyuhu mareen ayaa waxaa ay u badan yihiin dhulbeereeb, maadaama ay Bulshada ku dhaqan degmada Jalalaqsi caan ku yihiin tacbashada beeraha iyo dhaqashada xoolaha nool, kuwaas oo kaalin muhiim ah ugu jira dhaqaalaha dalka uu ku tiirsan yahay.

Fatahaadda ku dhufatay Jalalaqsi ayaa gaartay heer bulshadu ay xaafadaha kale duwan ay uga kala gudbaan Doomo iyo kuwa macmal ah oo dadka ay dantu biday si ay uga gudbaan biyaha ay go’doonsan yihiin, dadka ayaa dalbanaya gurmad lalasoo gaaro xilli fatahaaddu kordhayso.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow ayaa booqasho ku tagay magaalada waxaana halkaas uu kula kulmay bulshada qeybohooda kale duwan, kuwaas oo isaga soo hayaamay guryahooda haddana ku sugan goobo ay uga soo barakaceen fatahaadda.

“Dhammaan Soomaaliya iyo State-ka ayaa dhibkaan ku dhacay, Raaskambooni iyo Raascaseyr dabeeshaan martay, roobabku waa saameeyeen, burburka guryaha, naf iyo maal wixii dhici lahaa ayaa dhacay, sidaas ayaan ku suconaa xildhibanno iyo wasiirro ayaa socda” ayuu yiri.


Fatahaadda uu wabiga shabeelle ka geystay gobolka Hiiraan ayaa guud ahaan saameysay deegaannada iyo degmooyinka gobolka Hiiraan, waxaana socda gurmad xooggan oo ay Dowladda Federaalka wato, kaas oo loogu gurmanayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

____________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post