1098 Views

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dilkii Taliyihii Booliska Gobolka Hiira

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dilkii Taliyihii Booliska Gobolka Hiira
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 12,, 2019  –Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay iska hor imaad shalay ka dhacday duleedka magaalada Beledweyn, iyadoo lagu wado in la magacaabo Guddi baaritaan ku sameeyay shaqaaqadaas.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga C/naasir Saciid Muuse ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka xun tahay dagaalkii ka dhacay duleedka Beledweyne, ayna ka tacsiyadeyneyso dilka Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay aad uga xuntahay shaqaaqadaas ka dhacay Kalabeyr ee duleedka Beledweyne, waxayna Wasaaradda Amniga magacaabeysaa guddi ka warbixiya waxa keenay shaqaaqada ka dhacday duleedka Beledweyne iyo cidii arrintaas ku lug laheyd”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Amniga.

Waxaa uu sheegay in Guddiga marka la magacaabo in si dhaqsi ah u shaqo bilaabi doonaan, isla markaana ay tagi doonaan magaalada Beledweyne, si ay baaritaan ugu sameeyaan sababta ka dambeysay iska hor imaadkaas.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Ciidamada Amniga in aysan ka qeyb qaadan wax khal-khal gelinaya Amniga, isla markaana shacabka dhibaateynaya meel kasta oo ay joogaan.

Maalintii shalay ayay aheyd markii iska hor imaad ka dhacay duleedka Beledweyne lagu dilay Taliyihii qeybta Booliska, waxaana iska hor imaadka uu dhex maray Ciidamo Boolis ah iyo ciidamo taabacsan Guddoomiyihii hore Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Beledweyne ka taagnaa xiisad ka dhalatay xil ka qaadista Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo ka hor-yimid xil ka qaadista lagu sameeyay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment