765 Views

Dibadbax looga soo horjeeday Hirshabelle oo Baledweyne ka socda saakay

Dibadbax looga soo horjeeday Hirshabelle oo Baledweyne ka socda saakay
____________________________________________________________________________

Dad kasoo horjeday dowlad gobaledka Hirshabelle ayaa subax nimadii hore ee maanta isugu soo baxay xaafada xaawo taako ee magaalada Baledweyn, waxana ay dhagaxaan iyo taayero ku gooyen wadada laamiga ah ee isku xirta xaafada Nuur-xawaad iyo maagaalada inteda kale taas oo saameyn ku yelatay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Qar kamid ah ka qeyb galayaasha banaan baxa ka dhacay Baledweyne oo la hadlay saxaafada  ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan maamulka Hirshabelle oo ay shaaciyen inay ku dulman yihiin awood qeybsiga maamulka isla markaana aan la xalin tabashadooda.

“Waxa isugu soo baxnay inaan muujina tabashadena ah waxa ka maqan bulshada reer Hiiraan oo waxa kasoo horjeedna dowlad gobaledka Hirshabelle waxaa rabnaa in nala siiyo waxa naga maqan yeeli meyno in awood naloo sheegto waxii ka dhaca magaalada waxa dusha saaran doona kuwa maamulka ah, sidasi waxa yiri qaar kamid ah dadkii dhigayay banaan baxa”.

Isu soo baxa maanta ka dhacay magaalada Baledweyne ayaa waxa uu kusoo aadaya iyadoo duleedka magaalada dhawaan lagaga dhawaaqay Jabhad la magac baxday xaq u dirirka Hiiraan taas oo ay taageren odayaasha dhaqanka, waxaase  magaalada Baledwey kusoo wajahan wafdi uu hogaaminay madaxweynaha Hirshabelle in kasto u mudo dhowr jeer ah dib u dhacay safarkiisa Baledwyne.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post