105 Views

Wasiir Huruuse oo is casilay

Wasiir Huruuse oo is casilay
____________________________________________________________________________

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa goordhow ku dhowaaqay inuu is casilay, sababo la xiriira musharraxnimadiisa xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Huruuse ayaa oo qoraal soo saaray ayaa ku shaaciyay is casilaaddiisa, isaga oo u gudbiyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Wasiirka oo xilkan soo hayay muddo ku dhow sanad iyo bar ayaa ayaa sheegay inuu iskiis u go’aansaday inuu ka tago shaqada, sida uu ku sheegay qoraalka uu soo saaray.

“Bismilaah. Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen” ayuu ku yiri is casilaadiisa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hadda kadib uu diiradda saari doono ololihiisa doorashada Puntland, si uu ugu helo waqti, una galo diyaar ku aadan doorashadaasi.

“Waxaan xilkan uga tegay si ikhtiyaarkeyga ah iyo inaan ku biiro oo waqti iyo madax banaani u helo ololaha doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland” ayuu mar kale ku yiri warsaxaafadeedka uu soo saaray wasiirku.

Abshir Huruuse wuxuu u mahadceliyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, maadaama ay muddo soo wada shaqeeyeen, isaga oo xukuumaddiisa u rajeeyay guul iyo horumaro kale.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan dowladnimada, si looga gaaro horumar iyo barwaaqo.

68

______________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post