1563 Views

Degmada Kaaraan oo shacabka dagan aysan socon karin Xiliyada habeenkii ah Tuugo darteed..

Degmada Kaaraan oo shacabka dagan aysan socon karin Xiliyada habeenkii ah  Tuugo darteed..
____________________________________________________________________________


Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan  ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dadka halkaas dagan ay aad ugu dhiban yihiin dhac ay u gaysanayaan Xiliyada habeenkii ah Koox tuugo ah, gaar ahaan Marka la gaaro Salaada Maqribka.

Dadweynaha degmada Kaaraan ayaa cabasho xoogan kasoo saaray amniga degmada oo faraha ka baxay iyo tacadiyo joogto ah oo ay la kulmaan xiliyada habeenkii.

Qaar kamid dadkaas oo la hadlay idaacada Kulmiye ayaa sheegay in dilal kala duwan ay maalmihii u dambeeyen ka dhacay degmada Kaaraan, ayada oo maanta ugu dambeysay Askari ka tirsan dowladda hoose lagu dilay halkaas oo Mobilka laga qaatay.

.Sidoo kale waxay dhaliil u jeediyeen maamulka cusub ee degmada Kaaraan oo intii uu joogay sare usii kaceen falalka amaan darada ah ee ka taagan degmada, islamarkaana ay wada-shaqeyn fiican ka dhaxeyn laamaha amaanka, sida ay sheegen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post