2178 Views

Hadal Jeedinta Musharixiinta Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Maanta Bilaabaneysa

Hadal Jeedinta Musharixiinta Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Maanta Bilaabaneysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 25, 2018 – Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in ay bilaawdaan khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka kuwaas oo diiwaan gelintooda shalay lasoo gaba gabeeyey.

Ilaa 11Musharax,isla markaana dhammaantood ka mid ah Xubnaha Golaha Shacabka ayaa la diiwaan geliyay waxaana Maanta la filayaa in Shan ka mid ah musharixiinta ay xildhibaanada kahor jeediyaan waxyaabaha uu qabanayo qofkii guuleysta.

Musharixiinta ayaa khudbadaha waxa ay u jeedin doonaan sidii ay u kala horeeyeen, waxaana ka mid ah musharixiinta Maanta khudbadaha jeedin doona.

  1. Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow
  2. Xildhiban Sheekh Cali Sheekh Maxamed
  3. Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)
  4. Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow
  5. Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Maalinta Berito ah ayaa lasoo gaba gabeyn doonaa hadal jeedinta musharixiinta, iyada oo maalinta Isniinta ah ay dhici doonto doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment