933 Views

30 qof oo ku dhimatay weerrar ay saldhig cir oo ku yaal koonfurta waddanka Yemen ku qaadeen fallaagada Xuutiyiinta

30 qof oo  ku dhimatay weerrar ay saldhig cir oo ku yaal koonfurta waddanka Yemen ku qaadeen fallaagada Xuutiyiinta
____________________________________________________________________________

Axad: August 29, 2021

Ugu yaraan 30 qof oo ku dhimatay weerar lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Yemen

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhimatay weerrar ay saldhig cir oo ku yaal koonfurta waddanka Yemen ku qaadeen fallaagada Xuutiyiinta, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno gacan saar la leh dowladda.

Dadkan ku dhintay weerarka ayaa ah dagaalyahano taabacsan dowladda.

Afhayeen u hadlay milateriga ayaa sheegay in saldhigga cirka ee Al-Anad lagu soo weerraray diyaarad aan duuliye lahayn iyo gantaal.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen qarax wayn oo goobtaasi ka dhacay.

Dadka deegaanka waxay sheegeen inay maqleen dhawaaqa qaraxa.

Ciidamada Yemen waxay ku eeedeeyeen in weerarka ay soo qaadeen maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta weli kama aysan hadlin weerarka balse horraan ayay weerar ku qaadeen saldhiggan.

Dowladda Yemen ee uu Sacuudiga taageerayo ayaa waddaa howlgallo ka dhan ah Xuutiyiinta tan iyo 2014.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post