1338 Views

Maxkamadda Ciidanka oo xukun ku ridday Askari dhac geysan jiray

Maxkamadda Ciidanka oo xukun ku ridday Askari dhac geysan jiray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 22, 2018 –Maxkamadda Ciidamada  ayaa min shan Sano oo Xabsi ah ku ridday Bashiir Muxiyaddiin Jiinow oo ah Askari ka mid ah ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xasan Maxamuud Guure oo qof rayid ahaa.

Labada qof ayaa lagu eedeeyay in ay inta badan dhac u geysan jireen dadka rayidka ah gaar ahaanna Ardeyda gaar ahaanna kuwa degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

5tii November ayaa laga qabtay xaafadda Seybiyaano ee Degmada Hodon,waxaana kaddib lagu wareejiyay hay’adda Dmabi baarista Soomaaliya.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa horkeenay maxkamadda sedax kamid ah ardaydii dhaca loo gaystay oo Maxkamadda ka hor cadeeyay in xilliga kala duwan ay dhac u geysteen Dable  Bashiir Muxudiin Jiinow iyo Xasan Maxamuud guure, qorigii dhac lagu geystay, mootadii ay wateen labada eedeysane.

Baarihii kiiskan ayaa Maxkmadda u sheegay in ay ciidamada amniga iyo saldhiga degmada Hodan lasoo gaarsiiyay cabashada labada eedeysane, waxa ayna xilli hore oo waabarigii ah ay ciidamada amnigu qabteen labada eedaysane 5-tii bishii tagtay iyagoo qorsheynaya dhac kale .

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aan ka gaartay, waxa ay ku wada xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah iyo sidoo kale in ay bixiyaan teleefanno shan ah oo ay ka qaateen  ardayda  oo Maxkamada la hor keenay, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment