1116 Views

Qarax goor dhawayd ka dhacay dhabarka dembe ee Hotel Ambas oo ku yaalla Gaalkacyo.

Qarax goor dhawayd ka dhacay dhabarka dembe ee Hotel Ambas oo ku yaalla  Gaalkacyo.
____________________________________________________________________________

May 18 2021


Waxaa goor dhawayd oo caawa fiidkii ah ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug  Qarax la sheegay in Ragii watay ay ku dhinteen oo kaliya.

Warar  hor dhac ah ayaa sheegaya in qaraxaas uu ka dhacay dhabarka dembe ee Hotel Ambas oo ku yaalla xaafadda Wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Qaraxaan Ragii watay oo ahaa ilaa 3 qof ayaa la sheegay in ay saarnaayeen mooto Bajaaj oo  mareysay wado aad u cariiri ah oo marta dhabarka dambe ee hotelkan.

Sidoo kale Goor dhawayd waxaa saxaafada la hadlay Afhayeenka booliska Gobolkaas, waxa uuna sheegay in qaraxa ay wateen ragga ku dhintay ee saarnaa mootada.

“3 naftood-halige, oo qaraxsiday ayaa qorsheeynayay inay is qarxiyaan, ayeey ka hortageen Ciidanka Boliiska Magaalada Gaalkacyo, Xaafada Wadajir agagaarka Hotel AMBAS dhanka Galmudug. Argagaixisada oo dhamaan goobta lagu dilay,” ayuu ku yiri qoraalkaan uu soo saaray Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali.

Hey’adaha ammaanka koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in qof kale aysan waxyeello ka soo gaarin qaraxaas, isla markaana la aaminsan yahay in nooca qaraxaas uu ahaa jaakado qarxa oo ay wateen ragga ku dhintay ee saarnaa mooto Bajaajta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post