1164 Views

Kulanka Golaha Shacabka Oo Furmay Iyo Khilaaf Ka Taagan Cod Loo Qaaday Warbaahinta

Kulanka Golaha Shacabka Oo Furmay Iyo Khilaaf Ka Taagan Cod Loo Qaaday Warbaahinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 06, 2019 –Waxaa Goordhow si rasmi ah u furmay Kulanka 3-aad Kalfadhiga 5-aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa xaadirtay 164 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiiradda amniga iyo Gaashaandhiga ayaa ku sugan hoolka Xarunta Golaha Shacabka iyo Taliyaasha Ciidamada Xoogga, Booliiska iyo Asluubta .

Ajendaha kulanka ayaa ah ka doodista amniga Qaranka.

Dhinaca kale Xildhibaanada ayaa Cod gacan taag ah u qaaday in Warbaahinta ay goobjoog ka noqoto kulanka Maanta ee looga hadlaayo xaalada amniga dalka,waxaana u codeysay in Saxaafada kulanka ay dib joog ka noqoto104 xildhibaan,halka ay diideen 42 xildhibaan oo kaliya.

Wariyaasha Warbaahinta Dalsan ee ku sugan hoolka Baarlamaanka ayaa soo sheegaya in khilaaf uu ka dhashay codkii loo qaaday warbaahinta ee ahaa in dibad joog ay ka noqoto kulanka,hayeeshee uu weli khilaaf ka taagan yahay arrintaas.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment