1047 Views

Xaaska hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo markii ugu horreysay lagu arkay meel fagaara ah muddo sanad ah kadib

Xaaska hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo  markii ugu horreysay lagu arkay meel fagaara ah muddo sanad ah kadib
____________________________________________________________________________

Feb 17 /2/2021 Xaaska hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa markii ugu horreysay lagu arkay meel fagaara ah muddo sanad ah kadib, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda dalkaas.

Ri Sol-ju iyada iyo seygeeda Kim Jong-un ayaa Talaadadii ka qeybgalay munaasabad lagu xusay geeridii ninka dhalay Kim Jong-un isla markaana ahaa hoggaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-il.

Ri Sol-ju ayaa inta badan munaasabadaha waaweyn ee ka dhaca dalkaas kala qeybgeli jirtay Kim Jong-un, balse goob fagaara ah laguma arag tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii lasoo dhaafay.

Maqnaanshaheeda ayaa hadal-hayn ka dhex dhaliyay dalkaas gaar ahaan iyadoo su’aal la geliyay xaaladdeeda caafimaada ama in sababta loo waayay ay tahay inay xaamilo aheyd.

Hay’adda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ayaa shalay aqalka Koongareeska ee dalkaas u sheegtay in Ms Ri ay iska ilaalineysay in lagu arko fagaarayaasha kadib walaaca ka dhashay cudurka Covid-19 isla markaana ay waqti la qaadaneysay carruurteeda.

Kuuriyada Waqooyi weli ma aysan diiwaangelin wax kiis ah oo ku saabsan cudurka Covid-19, arrintaas oo ay shaki geliyeen khuburrada caalamka.

Sida laga soo xigtay wargeyska dowladda, lamaanaha ayaa shalay gaaray goobtii ay ka socotay munaasabadda iyagoona si weyn loo soo dhaweeyay.

Sawirrada la baahiyay ayaa muujinayay Kim Jong-un iyo xaaskiisa oo wada qoslaya iyagoo uusan afka u xirneyn.

Waa tuma Ri Sol-ju?

Ri Sol-ju waxay kasoo jeeddaa qoys ladan, aabaheedna wuxuu ahaa bare jaamacadeed halka hooyadeed ay aheyd dhakhtarad ku takhasustay daryeelka hooyada iyo dhallaanka iyo qeybta taranka haweenka, sida laga soo xigtay Cheong Seong-chang oo falanqeeya siyaasadda dalkaas.

Ri Sol-ju oo 31 jir ah, waxay horay uga tirsanaan jirtay koox heesaha qaadi jirtay oo la yiraahdo Unhasu-kooxdaas oo garab ka heli jirtay dowladda, sida ay ku warrantay warbaahinta.

Mr Cheong wuxuu intaas ku daray in Ri Sol-ju la rumeysan yahay in uu guursaday Kim Jong-un sanadkii 2009 kadib markii arooskooda uu soo dadajiyay Kim Jong-il oo la ildarnaa xanuunka faaliga oo ku dhacay 2008.

Sida laga soo xigtay waaxda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed, Ri Sol-ju waxay seddax carruur ah u heysaa Kim Jong-un.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post