846 Views

Geeridii Jilaa caan ah oo ka tirsan Bollywood-ka oo waji cusub yeelatay

____________________________________________________________________________

Geeridii jilaagii da’da yaraa ee Bollywood-ka Sushan Singh Rajput ayaa waji cusub yeeshay markii bishii hore ay u sheegtay taleefishinka Republic  Kangana Ranaut in ay gef ahayd in lagu tilmaamo dilka Sushan  inuu ahaa is-daldalaad [Suicide].

Kangana, oo ah jilaa, 3 jeer ku guulaysatay abaalmarinta caalamiga ah [National award] ayaa wareysi dheer siisay Arnab Goswami oo ah daadiyaha barnaamijka “Nation wants to know” waxay dilka Sushan dusha u saartay qaar ka mid ah soo-saarayaasha awooda leh ee aflaanta Hindiga, kuwaas oo bay tiri  qalbi jab xooggan ku riday jilaaga, markii ay ka hor istaageen inuu sameeyo aflaan ay horay ugu balanqaadeen, waxaanna ay ugu yeertay “Movie mafia”

Magacyada ay soo qaadatay Kangana waxaa ka mid ah, Karan Johar, Aditya Chopra & Mehesh Batt, waxayna ka dalbatay booliska Mumbai in shaqsiyaadkaasi baaritaano dhab ah lagu sameeyo xiriiradii ay lahaayeen jilaaga.

Kangana, waxay ku tilmaantay shirkadda Bollywood meel ay haraysay [Nepotisim], laguna soo saaro jilayaal gacan ku rimis ah oo ku hela fursada waalidiintooda ama qof qoyskooda ka mid ah oo horay jilaa ama soo saare u ahaa.

Waraysiga Kangana ay bixisay, ayaa dhabaha u xaaray in ay ku dhiiradaan in ay hadlaan qaar ka mid ah kuwii ka ag dhowaa Sushan, waxaanna dadka hadlay ka mid ahaa macalinkiisii jimicsiga Samee Ahmed, iyo Ankita Lokhande oo  muddo 7 sanno ah ay xiriir lahaayeen.

Samee Ahmed wuxuu sheegay in Sushan maalmihii isugu dambeeysay uu qaadanayey kaniini waxyeelo u gaysan karay, uuna kaga digay inuu joojiyo, Sidoo kale Ankita Lokhande waxay sheegtay in saaxiibkeedii hore uu ahaa nin han leh, oo tiigsanayey mustqbal iftiimaya.

“Aqoontii aan u lahaa Sushan, wuxuu ahaa nin hankiisu ahaa inuu meel sare gaaro, ma jirin qof ku soo dhoweeyey, wuxuu ahaa qof keligiis isi soo dhisay, mana rumeysni inuu keligiis is daldalay” Ayeey tiri Ankita Lokhande.

Dadka ay fartu ku godan tahay ee lagu eedeynayo in ay wax ka ogaayeen dilka Sushan waxaa ka mid ah Rhea Chakraborty oo ahayd gabadhii ugu dambeysay ee saaxiibka la ahayd Sushan.

Waalidiinta Sushan Singh ayaa dacwad ka geeyeen Rhea Chakraborty  saldhiga booliska magaalada Patna oo qoyskiisu ay ka soo jeedaan, waxaanna   tuhunka laga qabo gabadhaasi uu soo baxay markii la shaaciyey in lacag dhowr boqol oo kun dollar ah oo isagu lahaa ay bangigiisa kala baxday, ayna ku maalgelisay walaalkeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post