945 Views

Mareykanka iyo Shiinaha oo heshiis kala saxiixanaya

Mareykanka iyo Shiinaha oo heshiis kala saxiixanaya
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 15, 2020—Labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ee kala ah Mareykanka iyo Shiinaha, ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Arbaca ah kala saxiixdaan heshiis ganacsi.

Inkasta ay jirto boqollaal bilyan oo dollar oo canshuur kordhin ah oo labada dhinac isugu jawaabeen, haddana heshiiska maanta qeyb kama noqon doonto khafiifinta tacriifta labada dhinac ay dul-dhigeen badeecadaha ay isu dhoofiyaan.

 

Canshuur kordhinta ayaa sideeda sii ahaan doonto ilaa laga gaaro doorashada madaxtinimada Mareykanka ee uu bisha November madaxweyne Donald Trump kula tartami doono musharraxa kai man doona xisbiga dimoqraadiga.

Wajiga koowaad ee heshiiska labada waddan ayaa waxaa ugu weyn in Shiinaha uu muddo kooban iibsado miraha iyo wax soo saarka ka yimaada Mareykanka. Faah-faahinta kale ee heshiiska ayaa soo bixi doonta marka ay saraakiisha labada dhinac maanta ku saxiixaan Aqalka Cad ee magaaladan Washington.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment