585 Views

Taliyaha Ciidanka xoogga Somaliya oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Guriceel

Taliyaha Ciidanka xoogga Somaliya oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Guriceel
____________________________________________________________________________


Axad: October 31, 2021

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janeraal Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan Taliyaha Guutada 15-aad iyo Taliyaha qaybta 21-aad ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka reer guriceel oo ay kawada hadleen howsha ciidanka qalabka sida ay kawadaan deegaanka iyo guulaha laga soo hooyay howlgalladii ugu dambeeyay ee dib gacanta dowlada loogu soo celiyay degmadan, taasi oo sida waxgaradku sheegay soo af jartay hubanti la’aantii amni ee bulshadu wajahayeen

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janeraal Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan Taliyaha Guutada 15-aad iyo Taliyaha qaybta 21-aad ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka reer guriceel oo ay kawada hadleen howsha ciidanka qalabka sida ay kawadaan deegaanka iyo guulaha laga soo hooyay howlgalladii ugu dambeeyay ee dib gacanta dowlada loogu soo celiyay degmadan, taasi oo sida waxgaradku sheegay soo af jartay hubanti la’aantii amni ee bulshadu wajahayeen.

Janeraal Odawaa Taliyaha Xoogga ayaa reer guriceel ku bogaadiyay shaqada adag ee ay la qabteen ciidanka qaranka iyo kuwa Galmudug mudadii uu socday dagaalkii Guriceel, isagoo tilmaamey in howshaasi qayb ka aheyd waajibaadka ciidanku u xil-saaranyahay ee isugu jirta ilaalinta xuduudaha iyo ka hortagida cadawga gudaha iyo kan dibada.

Waxgaradka reer guriceel ee la kulmay Taliyaha xoogga iyo saraakiisha kale ayaa goobta ku wareejiyay 10-neef oo geel ah, raashin iyo cabitaano ay ugu talagaleen dhiirigalinta ciidanka amniga.

Gudoomiyaha Guriceel Anas Cabdi Macalin ayaa balan qaaday in bulshada uu hoggaamiyo sii wadi doonto taageerida ciidanka.

Janeraal Cabdi jaamac maxamed (Cigaal) Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka xoogga dalka ayaa mahad celin kadib, adkeeyay in ay wali ku jiraan Ciidamadu heegan ay kaga jawaabi doonaan in la hubiyo kala dirida kooxda hubeysan ee laga saarey guriceel.

Office Nairobi Kenya


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post