1416 Views

Raysalwasaaraha Israa’iil oo u sheegay Qaramada Midoobay in barnaamijka nukliyeerka Iiraan

Raysalwasaaraha Israa’iil oo  u sheegay Qaramada Midoobay in barnaamijka nukliyeerka Iiraan
____________________________________________________________________________

Talaado: September 28, 2021

 Raysalwasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa u sheegay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in barnaamijka nukliyeerka Iiraan uu ka tallaabay dhammaan khadadka cas ee dalkiisa.

Wuxuu ku eedeeyay Iiraan inay doonayso inay ka taliso Bariga Dhexe iyadoo ka abuuraysa dallad nukliyeer gobolka, wuxuuna ku adkaystay in Israa’iil aysan u oggolaan doonin Iiraan inay hesho hubka nukliyeerka.

Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay suurtogalnimada in Israa’iil kaligeed wajihi doonto Iiraan, arrintaas oo uu dalkiisu marar badan ku hanjabay.

“Barnaamijka nukliyeerka Iiraan wuxuu gaaray heer biyo -galeen ah sidoo kale dulqaadkeenna ayaa isna gaaray heerkii ugu dambeeyay,” ayuu yiri Bennett.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post