537 Views

Bangiga Adduunka oo siinaya Pakistan $2 bilyan, ka dib fatahaadihii ka dhacay dalkaas

Bangiga Adduunka oo  siinaya Pakistan $2 bilyan, ka dib fatahaadihii ka dhacay dalkaas
____________________________________________________________________________

Isniin: September 26, 2022

 Bangiga Adduunka ayaa sheegay in illaa $2 bilyan oo dollar inuu ku bixinayo gargaarka loo fidinayo dalka Pakistan, ka dib markii ay halakeeyeen dalkaas daadad xad-dhaaf ah oo ay ku dhinteen in ka badan 1,600 oo qof, waxaana ballanqaadkani uu noqonayaa kii ugu ballaadhnaa ee illaa hadda lagu yabooho.

Roobabka dabaylaha wata iyo daadad aan hore loo arag ayaa sannadkan ku dhuftay dalka Pakistan, kuwaas oo burburiyey illaa nus malyan guri, halka ay ku dhaawacmeen illaa 13,000 oo qof guud ahaan dalkaas. Daadadkan ayaa sidoo kale barakiciyey malaayiin qof, iyaga oo burburiyey dalagyadii beeraha iyo kumanaan kiiloometer oo waddooyin ah.

Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Koonfurta Aasiya, Martin Raiser ayaa ballan-qaadkan ku dhawaaqay habeen hore, ka dib markii uu soo gebagebeeyey booqashadiisii ugu horraysay ee rasmi ah ee uu dalkaa ku tago maalinimadii Sabtida.

“Aad baan uga xunnahay khasaaraha nafeed iyo midka nololeed ee ka dhashay fatahaadaha, waxaannu kala shaqeyneynaa dowladda Pakistan iyo maamulada gobolada sidii gurmad deg deg ah loo gaadhsiin lahaa dadka ay saameynta ugu badan ku yeelatay,” ayuu yidhi.

Raiser ayaa la kulmay wasiiro ka tirsan Dawladda dhexe ee Pakistan iyo wasiirka ugu sareeya ee gobolka koonfurta Sindh, oo ah gobolka ay dhibaatada ugu badani soo gaadhay, halkaas oo uu booqasho ku soo maray.

AP

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post