1269 Views

Masuuliyiinta Sudan oo sheegay in konton iyo sideed booliis ah ay ku dhaawacmeen dibadbaxyada dimoqraadiyadda doonka ah

Masuuliyiinta Sudan oo sheegay in konton iyo sideed booliis ah ay ku dhaawacmeen dibadbaxyada dimoqraadiyadda doonka ah
____________________________________________________________________________

Axad: December 26, 2021

Masuuliyiinta Sudan ayaa sheegay in konton iyo sideed booliis ah ay ku dhaawacmeen dibadbaxyada dimoqraadiyadda doonka ah ee Sabtidii looga soo horjeeday xukunka militariga.

Waxayna intaas ku dareen in dad ka badan boqol qof lagu xiray magaalada caasimadda ah ee Khartoum, kuwaas oo sida ay masuuliyiintaasi sheegeen sharciga la hor gayn doono.

Urur ay ku midaysan yihiin dhakhaatiirta Sudan oo isbahaysi la leh dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyad doonka ayaa ciidamada ammaanka ku eedeeyey in ay adeegsanayaan xoog xad dhaaf ah oo ka dhan dadka dibadbaxyada dhigaya.

Waxa ay sheegtay in ugu yaraan boqol iyo todobaatan iyo siddeed qof oo mudaaharaadayaal ah ay dhaawacmeen – qaarkood waxaa ku dhacay rasaas nool oo ay fureen ciidamada ammaanku.

Kumanaan dibadbaxayaal ah oo lulaya calanka dalkaas kuna qeylinayay erayo ka dhan ah militariga ayaa markii labaad muddo todobaad gudihiis ah ku soo dhawaaday madaxtooyada dalkaas looga arrimiyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post