1629 Views

Faahfaahin Koox dil ka geystay Muqdisho oo mid kamid ah gacanta lagu dhigay

Faahfaahin Koox dil ka geystay Muqdisho oo mid kamid ah gacanta lagu dhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 12, 2018 —Labba nin oo Bistoolado ku hubeysnaa ayaa degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir dil ka geystay sida Idaacada Risaala ay wararka ku heleyso.

Ninka kooxdaani ay dileen ayaa Magaciisa lagu soo koobay in uu ahaa Deeq waxa uuna ahaa sarkaal ka tirsan maamulka Degmada Waaberi ee lagu dhex dilay.

Mid kamid ah kooxda dilka geystay ayaa waxaa gacanta ku dhigay dadka deegaanka oo arkayay markii ay rasaasta ku furayeen Sarkaalka geeriyooday waxa ayna ku wareejiyeen Ciidamada amaanka Degmadaasi, sida ay Risaala u xaqiijiyeen goob joogeyaal.

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle iyo Xildhibaan C/qaadir Carabow ayaa tagay saldhigga booliska degmada Waaberi, waxayna shacabka uga mahadceliyeen talaabada geesinimada leh ee ay qaadeen.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxayna wadaan baaritaano ay ku baadigoobayaan ninka kale ee baxsaday iyagoo su’aallo weydiinaya ninka ay haayaan.

 

Xafiiska Wararka QW/Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment