855 Views

Wasiirka Arrimaha dibadda kenya oo lagu wado inay booqasho ku timaado Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha dibadda kenya  oo lagu wado inay  booqasho ku timaado  Muqdisho.
____________________________________________________________________________


Axad: August 8, 2021

Wasiirka Arrimaha dibadda waddanka Kenya, Raychelle Omamo ayaa lagu wadaa, in ay maanta oo Axad ah booqasho ku timaado magaalada Muqdisho.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay in wasiir Omamo, inta ay ku sugantahay magaalada Muqdisho ay kulamo la qaadan doonto wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ay la kulmi doonto Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiir Raychelle Omamo ayaa mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya kala hadli doonta arrima ku saabsan dacwadda badda ee u dhexaysa labada waddana, sida ay sheegtay warbaahinta Kenya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post