987 Views

Rooble iyo Wefdigiisii oo dalka dib ugu laabtay ka dib booqasho 3 maalmood ah

Rooble   iyo Wefdigiisii oo  dalka dib ugu  laabtay ka dib booqasho 3 maalmood ah
____________________________________________________________________________

Jimco: August 13, 202

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdigiisii ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho 3 maalmood ah oo uu ku tagay Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dalka Kenya kula kulmay Madaxweynaha Kenya, mas’uuliyiin kale, Jaaliyadda Soomaalida ee Kenya iyo wakiillada Beesha Caalamka oo uu uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka iyo hanaanka ay u socoto doorashooyinka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post