801 Views

Turkiga oo raadinaya aasaasihii goobta ganacsi ee lacagta dhanka online-ka ah ee loo yaqaan ‘cryptocurrency la baxsaday

Turkiga oo raadinaya aasaasihii goobta ganacsi ee lacagta dhanka online-ka ah ee loo yaqaan ‘cryptocurrency la baxsaday
____________________________________________________________________________

April 24-2021

Turkiga ayaa soo saaray waaran qabasho oo caalami ah oo loogu talagalay aasaasihii goobta ganacsi ee lacagta dhanka online-ka ah ee loo yaqaan ‘cryptocurrency.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in Faruk Fatih Ozer uu ula baxsaday Albania lacag gaadha7ya $ 2bn oo laga qaaday 391,000 oo maalgashadeyaal ah.

Booliska ayaa sidoo kale xiray 62 qof weeraradii waaberiga, sideed magaalo oo Turkiga ah oo lagu tuhmay inay xidhiidh la leeyihiin shirkada Mr Ozer, Thodex.
Mr Ozer ayaa ku tilmaamay eedeymaha loo soo jeediyay “kuwo aan sal iyo raad toona lahayn” wuxuuna sheegay inuu Albania uu u joogo shirar shaqo.

Wasaaradda cadaaladda ee Turkiga ayaa bilawday dacwado sharci ah oo lagu raadinayo soo qabashada iyo u soo celinta Mr Ozer oo ku aaddan caasimada Albanianka ee Tirana, Andalou ayaa werisay, isagoo intaa ku daray in wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu uu khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa Albania.
Booliska caalamiga ah ee ‘Interpol’ ayaa jimcihii ogeysiis casaan ah u soo saaray Mr Ozer ka dib markii ay heleen codsi ka yimid Ankara.

Tirada sii kordheysa ee dadka Turkiga ah waxay doorbidayaan inay adeegsadaan lacagaha loo yaqaan ‘cryptocurrencies’ iyagoo isku dayaya inay ku ilaashadaan keydkooda hoos u dhaca ba’an ee ku yimid Qiimaha lacagta maxalliga ah, ee lira ayaa sida oo kale qiimo dhac haleelay . Laakiin suuqa loo yaqaan ‘cryptocurrency ‘ waa mid aan sharciyeysnayn.

Toddobaadkii hore, Turkigu wuxuu sheegay inuu mamnuucayo adeegsigalacagahaas in wax lagu kala iibsado laga bilaabo 30-ka Abriil.

hawlgalladii shirkaddaas ayaa bilaabay inay u muuqdaan kuwo aan fiicneyn Arbacadii markii Thodex uu soo diray fariin qarsoodi ah oo uu ku sheegayo inay u baahan yihiin shan maalmood si loo maareeyo maalgashi dibedda ah oo aan la cayimin. Kadib waxay hakisay ganacsigii.
Maalgashadayaashu waxay bilaabeen inay la xiriiraan mas’uuliyiinta, gudbiyaanna cabashooyin ka dhan ah Thodex in ka badan 1,160% marka la barbar dhigo usbuucii hore.

Khamiistii, saraakiisha amniga ee Turkiga waxay sii daayeen sawirka Mr Ozer, oo la rumeysan yahay inuu jiro 27 sano, garoonka diyaaradaha ee Istanbul isagoo u socdaalaya meel aan la shaacin.Waxaa markii dambe xaqiijiyay laamaha amniga inuu ku sugan yahay Albania ilaa Talaadadii.

Farriin uu maalintaas ku daabacay bogga rasmiga ah ee ‘Thodex’ Twitter-ka, ayuu Mr Ozer ku beeniyay eedeymahaas.

Wuxuu sheegay inuu ku maqnaa dalka dibadiisa kulammo uu la qaadanayay maalgashadayaal shisheeye, wuxuuna sheegay inuu dib ugu laaban doono dalka Turkiga maalmo kadib isla markaana uu la shaqeyn doono hey’adaha garsoorka si runtu ay u soo baxdo.

Kadib markay ahayd 06:00 waqtiga maxaliga ah (03:00 GMT) Jimcihii, booliisku waxay hawlgallo ka bilaabeen siddeed magaalo oo kala duwan oo Turkiga ah, oo ay ku jirto Istanbul, halkaas oo ay ku baareen xarunta shirkadda waxayna la wareegeen kombuyuutarro iyo agab dijitaal ah.

Waxay haysteen waaranno ay ku xiraan 78 tuhmane guud ahaan, waxayna xireen 62 ilaa iyo hadda.

Saraakiisha ayaa sidoo kale xayiray akoonadii bangiga ee Mr Ozer.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post