993 Views

Iran oo dilaysa dad u jaajuusay Mareykanka

Iran oo dilaysa dad u jaajuusay Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 02, 2019—Dacwad oogayaasha Iran ayaa dil toogasho u raadinaya dhowr qof oo ku jira militariga iyo hay’adaha nukliyeerka kuwaas oo sanadii tagtay loo xiray tuhunno la xiriira inay u jaajuuseen Mareykanka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

 

Iran ayaa bishii August ee tagtay sheegtay inay xirtay “tobaneeyo basaas” oo ka tirsan hay’adaha dowladda, kuwaas oo in badan oo ka mid ah haysta dhalashada dalal kale.

 

Iran ayaa bishii June dishay qandaraasle horey ugu shaqeyn jiray wasaaradda gaashaandhigga, kaasi oo lagu eedeeyey inuu u jaajuusay hay’adda CIA-da ee Mareykanka.

 

Afhayeenka cadaaladda Iran, Gholamhossein Esmaili ayaaa maanta sheegay in tuhmanayaashan la xiray wax ka yar sanad ka hor ay wajahayaan dil toogasho ayaga oo lagu maxkamadeynayo maxkamad militari.

 

“laba ka mid ah eedeysanayaasha, oo aan ahayn militari, ayaa lagu xukumay xabsi waqti dheer ah” ayuu yiri Esmaili, isaga oo aan bixin faah-faahin.

 

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay sii kordheyso xiisadda ka dhex oogan Mareykanka iyo Iran, ayada oo Tehran shalay ay sheegtay inay gudubtay xaddigii loogu talo-galay inay haysato ee macdanta uranium-ka ee la naaxiyey.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment