1521 Views

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiir cusub

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiir cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 10  2019–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ka guddoomay Safiirada Dalalka Koonfurta Kuuriya iyo Serbia ee lagu kala magacaabo Choi Yeonghan iyo Dragan Zupanjevac, kuwaasi oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Danjire Choi Yeonghan oo ka socday Dawladda Koofurta Kuuriya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Koofurta Kuuriya, isaggoo sheegay in Dawladdiisa ay kaalin ku yeelan doonto Maalgashi iyo Taageero kasta oo wax u tareysa horumarinta Amniga iyo dhaqaallaha Soomaaliya.

Danjire Dragan Zupanjevac oo ka socday Dawladda Serbia ayaa isna sheegay in uu ku faraxsan yahay in mar kale Cilaaqaad wanaagsan uu dhex maro Somalia iyo Serbia, waxaana uu xusay in dhinacyo badan ay Soomaaliya ka taageeri doonaan oo ay kamid yihiin Waxbarashada, Dhaqaallaha iyo Amniga.

Danjireyaasha Wadamada Caalamka ay usoo dirayaan Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey ahaa kuwa aad usoo kordhayey, iyaddoo Dawladda Soomaaliyana ay qaadatay Siyaasad furfuran oo ku dhisan Saaxiibtinimmo iyo Dan-wadaag.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment