1560 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay Arrimaha doorashooyinka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay Arrimaha doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 16, 2021–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayey Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Amb James Swan sidoo kalena ay qeyb ka ahaayeen Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo diblomaasiyiin kale.

Kulanka Madaxweynaha iyo Saaxiibada Beesha Caalamka inta uu Socday waxaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka, Amniga & sidii loo dardar gelin lahaa Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Amb James Swan ayaa sidoo kale Madaxweyne Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ku amaaney kaalinta dhex dhexaadineed ee uu ka dhex wado Khilaafka Madaxda ugu sareysa dalka si Xasilooni siyaasadeed loo helana, sii wado dadaalkiisa.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya iyo wafdiga kale ee ka socda Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa la filayaa inay gaaraan degaannada kale ee dowlad Goboleedyada dalka kajira.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post