906 Views

Shir laga yeeshay Amniga Caasimadda Galmudug

Shir laga yeeshay Amniga Caasimadda Galmudug
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 16 2021–
Waxaa maantay Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ku qabsoomay kulan ay ka  wada qeybgaleen hey’adaha amniga, wasaaradda amniga iyo maamulka Caasimadda.

Kulanka oo ka dhacay xarunta degmada ayaa waxaa shir guddoomiiyey wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Md. Axmed M. Fiqi, waxaana ka soo qeybgaley wasiiru Dawlaha wasaaradda amniga, Duqa caasimadda iyo ku xigeenkiisa dhanka amniga, taliyaasha Booliska iyo NISA ee Galmudug, iyo taliyaasha caasimadda ee ciidamada Booliska iyo nabadsugidda.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu soo saaray xaqiijinta amniga caasimadda iyo deegaanada ku hareeraysan, la dagaalanka argagixisada, ka hortagga dadka xasilooni-darrada iyo qalqal-gelinta amniga caasimada ku lugta leh iyo koontoroolka hubka sharcidarrada ah ee caasimadda lagu dhex sito.

Kulankan ayaa daba socdey kulan uu madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaaroye uu shir guddoominayey xalay oo ka dhacay xafiiska madaxweynaha, kaasoo madaxweynuhu uu faray in amniga caasimadda iyo degmooyinka kale ee Galmudug la adkeeyo, hey’adaha amniguna ay dardargeliyaan shaqadooda ku aadan ilaalinta nabadgelyada deegaanada Galmudug.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post