324 Views

Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee Ingiriiska, Admiral Tony oo Ruushka ugu digay in uu hawada sare ka qaado dagaal ka dhan ah reer galbeedka

Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee Ingiriiska, Admiral Tony oo  Ruushka ugu digay in uu hawada sare ka qaado dagaal ka dhan ah reer galbeedka
____________________________________________________________________________

.

Sabti: OCTOBER 1, 2022

Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee Ingiriiska, Admiral Tony Radakin, ayaa Ruushka ugu digay in uu hawada sare ka qaado dagaal ka dhan ah reer galbeedka.

Sarakiisha ciidamada Uk, ayaa aminsan in ciidamada Ruushku ay u dhaqaaqi karaan meelo ka baxsan dagaalka dhulka, taasi oo laga yaabo in ay dhabar jab ku noqoto reer galbeedka.

Sida uu qoray wargeyska Ingiriiska, The Telegraph, Admiral Tony ayaa yiri: “Ruushka waxa uu leeyahay awood  dhanka hawada sare ah, waxaana tusaalahaas aragnay dhamaadkii sannadkii hore.

Admiral Tony ayaa intaas ku daray, ” Ruushka waxuu leeyahay awood Nukliyeer iyo sidoo kale awoodo dagaal oo biyaha hoostooda iyo hawada sare ah”.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii qaar kamid ah waddamada reer galbeedka  ay ku edeyeen Moscow, inay ka danbeeysay Qaraxyadii saameeyay dhuumaha gaaska ee Nord Stream.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post