453 Views

Kulan loogu duceynayay shuhaddadii ku geeriyootay howlgallada ka dhan ah Argagixisada oo lagu qabtay Wisil

Kulan loogu duceynayay shuhaddadii ku geeriyootay howlgallada ka dhan ah Argagixisada oo lagu qabtay Wisil
____________________________________________________________________________

Talaado: June 28, 2022

Magaalada Wisil ayaa maanta martigalisay munaasabadda Xuska iyo Ducada Shuhadadii ku geeriyootay dagaalada lagu la jiro kooxda Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab ee ka dhacay Koonfurta Gobolka Mudug iyo Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Maamulka Gobolka Mudug, Maamulka degmooyinka Hobyo, Ceelguula, Ceeldibir, Xero Dahab, Gawaan, Qararow iyo Bajeela, kuwaas oo dhamaantood ka midaysan Dagaalka lagu la jiro argagixisada Al-Shabaab.

Dadkii ka xustay kulanka ducada ah ayaa Alle uga baryay shuhaddii ku shahiiday howlgallada lagula dagaalamayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post