2700 Views

Taliyaha Ciidamada Xoogga Oo Gaaray Magalada Gaalkacyo

Taliyaha Ciidamada Xoogga Oo Gaaray Magalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Gaalkacyo | QOL | December 13 ,2017 — Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka uu Taliyaha uu u gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa waxay tahay sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee halkaasi ku sugan iyo waliba sahminta suurta galnimada qorshaha isku dhafka loogu sameynayo Ciidamada Xoogga dalka.

Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo booqan doona xeryaha ciidamada Xoogga dalka, isagoo ku dhiira gelinaya dadaalka ay ugu jiraan Difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Gorod ayaa maalmihii u dambeeyay howlo kormeer ku marayay degaanada Puntland, wuxuuna sidoo kale booqday Guutada 54-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

B23 B44 B224

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Galkacyo 

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment