4218 Views

WAR DEG DEG AH.

____________________________________________________________________________

Warar aanu ka helnay ilo muhiim ah, ayaa waxay sheegayaan in uu ka dhexjiro Lamaha Dowlada MURAN iyo FARA isku fiiq fiiq la xiriira dhibaatooyinkii ka dhacay LIIDO iyo Kuwii ka horeeyey.

Wararkan ayaa waxay sheegayaan in ay Qolo kasta ay dadaal ugu jirto sidii ay isaga fogayn lahayd MASUULIYADA dhibkii dhacay oo inta badan ay sabab u tahay Aqoondaro iyo Dadaal Xumo ka timid Laamaha amaanka, taasi oo sabab looga dhigayo Ciidamada oo aan lahayn Tabar Aqooneed fiican iyo Waayo aragnimo ku filan.

Waxaa kale oo uu ka jiraa DAYAC xoogan Dowlada hoose ee Gobolka Banaadir oo aan lahayn Dhaqaatiir iyo Kal kaaliyayaal u diyaarsan Gurmadka deg deg ah ee loo bahanyahay markii ay dhacdo masiibo lama filaan ah.

Waxaad arkaysaa HILBIIHII dadka dhintay oo meleha iska yaala, waxaana loo bahanyahay in mar walba ay diyaar yihiin Qoloyinka CAAFIMAADKA oo isku aruuriyo Hilbaha dadka si loo ilaaliyo Camiaaddara ka dhalan karta Gobahaas iyo si loo ilaaliyo hab dhaqanka dowlad wanaaga.

Waxaa kale oo kamaqan meleha dhibka ka dhoco, Bolis u taba baran in ay aruuriyaan Cabashada dadweynaha si loogu raadiyo dadka ka maqan iyo in la helo Ciidan leh aqoontan lagu yiraa afka qalaad,  (science or technology in the investigation and establishment of facts or evidence in a court of law: a forensic laboratory).

Ugu dambayn wixii xaqiiq ah ee ka jira Muranka iyo Fara isku fiiqa laamaha dowlada, dib ayaan ka soo sheegi doonaa, anagoo raadin doono xogta dhabta ah ee jirta.

 

Qaranimo-online

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment