879 Views

Ergey ka socda Mareykanka oo Israa’iil gaaray

Ergey ka socda Mareykanka oo Israa’iil gaaray
____________________________________________________________________________

Ergey ka socda Mareykanka ayaa gaaray magaalada Tel Aviv si uu u bilaabo wadahadallo ku aadan joojinta dagaalka sii socda ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin.

Hady Amr oo wuxuu la kulmi doonaa dhinacyada Israa’iil, Falastiin iyo saraakiisha Qaramada Midoobey iyadoo laga rajo qabo in la gaaro heshiis xabad joojin ah.

Militeriga Israa’iil ayaa saaka duqeymo ka fuliyay marinka Qaza halka dagaalyahanada Falastiniyiinta ay gantaallo ku garaaceen Israa’iil.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post