960 Views

Maamulka K/Galbeed oo ku baxey laba maleeshiyo Beeleed oo dagaalamey

Maamulka K/Galbeed oo ku baxey laba maleeshiyo Beeleed oo dagaalamey
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 5, 2020 –Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay waxaa gaarey Wafdi isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed,kuwaas oo halkaasi u tegay sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleed ka dhacay halkaas.

 

Xubnaha wafdiga iyo qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka degmada Diinsoor ayaa waxaa ay yeesheen kulan looga hadlayay sidii loo dhex dhexaadin lahaa laba beelood oo ku dagaalamey degmada Diinsoor.

 

 

 

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo wafdiga kamid ahaa ayaa waxaa ay shacabka uga tacsiyadeeyeen dadkii ku dhintey dagaalkii dhaca,waxaana ay sheegeen inay wadaan sidii naabad dadka degmada Diinsoor ugu wada joogi lahaayeen.

 

Wasiirka arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay donayaan in dadka ay nabad ku wada noolaadaan,waxaana uu sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in markale uu dagaal dhaco.

 

Dad u badan Shacab ayaa ku dhintey dagaal beeleed ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Hiiraan iyo dilal la xiriirey aanooyin qabiil walow xaaladu ay haatan degan tahay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment